Wararkii Ugu dambeeyay ee doorashada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11aad ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Kaahiye.

Xildhibaan Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi xildhibaan Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod

Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey, maadaama musharaxa la tartamayey uu isagu keensaday, si uu usoo baxo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com