Wararkii Ugu dambeeyay Dibadbaxa beri Muqdisho ka dhici doona +Sawiro Daawo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Xubno kale oo uu ku jiro Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo dhammaantood ka mid ah Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa booqday Taalada Daljirka Daahson Halkaasi oo uu beri ka dhici doono dibad bax ballaaran oo ay soo qaban qwaabiyeen Mucaaradka Dawlada Madaxweyne Farmaajo

Sheekh shariif sheikh Axmed oo  ah Gudoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa Hadal kooban oo uu ka jeediyay Taalada Dalka jirka Daahson ayaa sheegay in banana baxa beri dhacaya uu yahay mid nabadeed oo ay ku soo bandhigayaan Fikirkooda

Ciidamo aad u tiro badan islamarkaanka ku hubeysan Baabuurta Tiknikada ayaa la socday Xubnaha uu Hogaaminayay Madaxweyne Sheekh shariif sheikh Axmed booqday Taalada Daljirka Daahson

Dhinaca kale Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ayaa xiray wadooyinka Magaalada muqdisho kuwaas oo diidan dibadbaxa beri la qorsheeyay in uu ka dhaco muqdisho

Hase ,ahaatee Dadka ku nool Xaafadaha deriska la ah Taalada Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere ayaa cabsi ka muujiyay isku dhacyo ka dhasha dibad baxa beri loo ballansan yahay waxaana durbaba ay bilaabeen in ay ka barakacan xaafadahooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com