Wararkii Ugu dambeeyay Dawlada Federaalka oo Ciidamo dheeraad ah geysay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay la wadagaato Kenya.

Ciidamada ayaa waxaa la dejiyay xad-beenaadka labada Wadan , ee ah inta U dhexeysa  degmooyinka Beled-Xaawo iyo Mandera, halkaas oo ay ka Wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan .

Sidoo kale Goobaha la dejiyay ciidamadaas ayaa waxaa horey ugu sugnaa askar ka tirsan CiidankaXoogga dalka,.

Taliyaha ciidanka xasilinta gobolka Gedo oo la hadlayey ciidamadaasi ayaa Amray inay xoojiyaan amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nagad-gelyada.

Sidoo kale wuxuu Faray inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa xadka Soomaaliya oo dhowaan ay isku rasaaseeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya.

Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa ka dhex jiray xiisado xoogan, kuwaas oo ka dhashay kiiska Badda oo weli horyaalla

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com