Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Degmada Baladxaawo.

Baladxaawo,Wararkii ugu dambeyey ee naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaalka halkaas ka qarxay saaka waabarigi.

Dagaalka ayaa iminka lagu soo waramayaa in xoogiisa ka socanayo duleedka degmada gaar ahaan xero Ciidamada Jubbaland ku lahaayeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo.

labada ciidan ayaa dagaalkooda isku adeegsanaya hubka Noocyadiisa kala duwan.

Dadka ku dhaqan degmada Baladxaawo ayaa isaga cararaya kadib markii saameyn ku yeelatay madaafiicda labada Dhinac is dhaafsanayaan.

WIXII WARAR AH KALA SOCO WWW.ARAGTICUSUB.COM

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com