Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay gobalka shabeelaha Hoose

Muqdisho : Al-shabab ayaa sheegtay in saaka ay weerar ku qaadeen saldhigyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen.

Saldhigyada ayaa ku kala yaalla Degmada Qoryooley oo ay degganyihiin Ciidamada AMISOM iyo saldhig ku yaalla duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Baraha Internetka ee taageera Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka Qoryooley uu wali ka socda halkaas, iyada oo ilaa hadda aan wax faah faahin ah laga helin.

Dhinaca kale AL-shabaab ayaa sheegay in ay cagta mariyeen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Magaalada Marka.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in  shalay gelinkii dambe ay Al-shabaab kala wareegeen degaano hoostaga Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com