Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay duleedka Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegeya in maanta uu mar kale dib u bilowday dagaalka taagnaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay.

War kasoo baxay dhinaca Somaliland ayaa lagu sheegay in xoogagga deegaanka ee Laacaanood ay saaka weerar ku qaadeen fariisimaha ciidanka Somaliland ay uga sugan yihiin duleedka magaalada laascaanood

War saxaafadeed ka ka soo baxay  Somaliland ayaa lagu sheegay “in dhankooda ay tixgelinayaan xabbad joojintii ay horay ugu dhawaqeen balse ay isdifaacayaan”.

Dhinaca  kale Cabdirisaaq xasan Maxamuud Falaalug oo ah Afahyeenka odayaasha dhaqanla laascaanood ayaa ka ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay laascaanood waxaana uu sheegay in Ciidanka soomaaliland weerar dhowr jiho ay ku soo qaadeen laascaanood balse layka difaacay waa sida uu hadalk u yiri’

Mudadii dagaalka uu ka socday laascaanood ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 in ka badan 200 kalenaya waa ay ku dhaawacmeen waxaana ku barakacay qoysas badan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com