Wararkii ugu dambeeyay Dab ka kacay booyad shidaal

Waxaa lagu guuleestay daminta dab ka kacay Booyad shidaal siday oo taagned kaalin Shidaal oo ku taala Magaalada Dhusamareb gaar ahaan Agagaarka Hanaano Hospital ee u dhWasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug.

Dabka oo xooggaan ayaa la  xakameeyay waxaana loo adeegsaday damintiisa gabayo  Caro iyo biyo booyado ku jira ayaa  lagu damiyay Dabka

Shacabka Xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ayaa ka qayb qaatay daminta Dabkaas oo booyada shidaalka ka kacay

Sidoo kale Ciidamo ka Tirsan Booliska Galmudug ayaa gacan ka geystay daminta dabka ka kacay Booyada shidaalka laman soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay Dabka ka kacay Booyada shidaalka