Warar hordhac ah oo ka soo baxaya xilka qaadistii Taliyihii Nabad sugida Gobolka Banaadir.

Muqdisho,Warar hordhac ah ayaa ka soo baxaya xilka qaadistii shalay lagu sameeyay Taliyihii Nabad sugida Gobolka Banaadir Ibrahim Macalin.

Xilka qaadistiisa ayaa la sheegay in ay timid kadib markii laga war helay in uu kulamo la qaatauy qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Mudulood ee dhawaan ku shiray Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa arintaas aad uga carooday isla markaana keentay xilka qaadistiisa.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa beel ahaan ka soo jeeda beesha Mudulood.

Arintaan ayaa caqabad cusub ku noqon doonta khilaafka sii kordhaya ee ka dhex jira dowlada dhexe iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Mudulood.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com