Warar Dheeraad oo ka soo baxaya Weerar Alshabaab ay ku qaadeen degmada Runirgood

Faah Faahino ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar Al-Shabaab ku qaaday Saldhig  ciidan oo kuayaalla  degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa

Goob joogayaall ayaa Aragticusub u sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Salhiga la weeraray ayaa waxaa maalin kahor gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhanka degmada Ceeldheer, si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada Ruun-nirgood.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com