Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax miino oo xalay ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soobaxaya Qarax khasare sababay oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay waxaana uu ka dhacay wadada u dhexeysa lambar Afar iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay Hal Ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalena  waa uu ku dhaawacmeen Qaraxaasi  balse gaariga lala eegtay ayaa ahaa mid xabada Karin ee loo yaqaan pullet proof car

Sidoo kale Qaraxa ayaa khasaare gaarsiiyay goobo gancsi ee ku yaala  agagaarka hotelkii dhawaan la weerary ee Afrik

Gaariga  Qaraxa loo dhigay ayaa waxaa saarnaa ciidamo boolis ah kuwaas oo aysan wax dhibato ah qaraxa ka soo garin

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com