Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Askari Maanta lagu dilay Magaalada Baladweyne

Wararka ka imanaya Magaalada Baladweyne  ayaa sheegaya in  Kooxo hubeysan maanta  ay toogteen Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Dilka  Askariga ayaa ka dhacay Suuqa Xoolaha  ee xaafadda Howl-wadaag ee Magaalda Baladweyne.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiay, Macallin Cismaan Cabdikariin, sida ay shegen Dad Goob joogayaal ah .

Kooxda Dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana hore ay u qaateen qori AK47 ah oo Askariga uu watay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com