Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in qarax miino oo saakay ciidamo ka tirsan kuwa asluubta soomaaliya lagula eegtay meel u dhow madaxtooyadii hore ee Cabdi aasim oo kafogeeyn  isgooska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax miino oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay kasoo horjeedka Iskuulka hoyga Xamar .

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa lala eegtay Gaadiid ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta, waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday Gaari Cabdi bille ah oo ay saarnaayeen Ciidamada, waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

Wararka ayaa intaa kudarayo in ilaa 5 askari ay ku dhaawacmeen halka hal qof oo ahaa wade Mooto Bajaaj uu ku geeriyooday, iyada oo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.

.