War-murtiyeed: Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo soo dhaweeyay go’aankii Galmudug iyo Hirshabeelle

Xizbiga Amniga iyo Cadaalada Waxa uu si weyn usoo Dhaweynayaa Go’aanka iyo warka wadajirka ah ee ay soo saareen Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle oo ay Moowqif cad ka istaageen, kuna diideen Muddo kordhintii Sharci darrada ahayd.

Waxaan uga mahad celinaynaa Madaxda Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle inay nala qaateen Talooyinkii iyo Xaldoonkii aan in muddo ahba ujeedinaynay, waana Go’aan Taariikhi ah oo loo qaaday Wadadii Saxda eheeyd  ee Dowlad Dhiska Soomaaliya.

Waxaan markale ku celinaynaa Xalka Wadankaan inuusan ku jirin Muddo Kororsi iyo Xoog wax ku Raadin, waxaana ugu Baaqeeynaa Madaxweynihii hore  inuu ka Laabto Go’aankii Khaldanaa ee ka Fiirsasha la’aanta ahaa Dibna ugu soo noqdaa Miirka uuna Gar-waaqsadaa , islamarkaana Wadahadalkii Teendhadii ee uu ka Baxay Dib ugu soo Noqdaa , si looga Heshiiyo Doorashada iyadoo la Raacaayo Heshiiskii 17 september 2020.

WABILAAHI TOOWFIIQ

#XIZBIGA AMNIGA IYO CADAALADA

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com