Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya oo shaaciyay In Xaalada Soomaaliya Meel hali ah ay marayso

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia Arimaha Soomaaliya Mr James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

James Swon oo Hadal ka jeediyay Shir Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay ka yeesheen khilaafka siyaasadeed ee Somaaliya ayaa shaaciyay Xaalada Hadda Meel halis ah ay mareyso.

Mr. James Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu Tilmaamay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Sidoo kale Waxa  uu Xusay in Wararka kulkulul ee laysu marinayo warbaahinta uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay l Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Waxa uu ku cleiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

Dhinaca kalena,  Maraykanka ayaa sheegay inay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha, ayna taasi tahay tan ugu degdeg badan inay nabadda ku hormariyaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com