Wafuud ay kala hogaaminayaan Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo maanta ku sii jeeda Dhuusamareeb

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo shirka madaxda dowladda Federaalka iyoMaamul Goboleedyada.

Wafdigaasi ee ay Hogaaminayaan Madaxweynayasha Maamulada Jubland iyo Puntland aya ka qayb galaya shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa la Adkeeyay ka dib markii xalay Magaaladaasi ay ku soo dhaceen Hoobiyaal  Waxaana Ciidanka Amniga Galmudug iyo kuwa Dawlada Federaalka eek u sugan Halkaasi la geeyay Meel 30 kilomitir u jirta Magaalada Dhuusamareeb si amniga halkaasi ay uga xaqiijiyaan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com