Wafdigii Dawlada Federaalka u Qaabilsan Dhageysiga Dacwada Badda oo u dhoofay Magaalada Hague ee dalka Netherland

Garoonka diyaardaha ee Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhoofay guddiga dowladda federaalka ay u xil saartay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaana guddigan horkacayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

“Kalsooni weyn baanu qabnaa…mar afaraadkii waxaan ku adkeysanay in aan dib loo dhigeynin hadda diyaar beynu u nahay in aanu ka qeybgalno , saaka ayaan u ambabaxeynaa 15-ka ayay bilaabmaneysaa dhageysiga ilaa 19-ka wey socon doontaa, guul baan rajeyneynaa” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho.

Wafdigan ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Hague ee dalka Netherlands halkaas 15-ka bishan ay ka bilaabaneyso dhageysiga dacwadda badda.

Kenya ayaa bishii hore laga diiday codsi ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda, iyadoo soo bandhigtay sababo uu ka mid yahay cudurka Covid-19

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com