Wafdi xal raadin ah oo gaaray Magaalada Beledweyne

Wafdi u hoggaaminayo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isaaq oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaano Wasiiro iyo Santaro ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga gaaray Beledweyne ayaa waxaa kamid ah Wasiirku xigeenka Gaashaan dhiga Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdi fitaax Qaasim, Wasiiru Dowlaha Cadaalada iyo Garsoorka Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabeelle, waxaana garoonka diyaaradaha Beledweyene kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka Hir-Shabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan & mas’uuliyiin kale.

Ujeedada wafdiga Maanta tegay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ka socda degaannada ku yaal duleedka Magaalada Beledweyne.

Saacadaha soo socda ayaa waxa la filayaa in Magaalada Beledweyne ay ka dhacaan kulamo horudhac ah oo looga arrinsanayo sidii xanad joojin loo kala dhex-dhigi lahaa labada maleeshiyo Beeleed.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Wadiga ka socda dowladda Soomaaliya & Maamulka HIR-Shabeelle inay booqan doonaan degaannada lagu dagaalamay ee duleedka Beledweyne si look ala qaado labada maleeshiyo Beeleed..

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com