Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta kmg ah u ah maamulka Jubland

Madaxweyne Ku-xigeenka 1-Aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa qaabilay Wafdigaasi  uu hogaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay,adaha UNHCR, WHO, UN OCHA iyo kuwo kale oo caalami ah.

Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Qaramada Midoobay ayaa maanta markii Ugu horeysay Magaalada Kismaayo geysay Talaalka Cudurka Covid19 oo la doonayo in la gaarsiyo bulshada Jubland si looga hortago faafista cudurka covid19.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com