Wafdi ka Socda Dawlada Federaalka oo ku sii jeeda Xarunta Maxkamada ICJ

Wafdi ka socda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku sii jeeda Magaalada Hague

Wafdiga ayaa Waxaa Hogaaminaya Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar

Ujeedka Safarka Wafdiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalka  ayaa ah in ay ka qayb galaan dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya oo Kenya ay sheeganeyso

Dhageysiga Dacwadda ayaa ka qabsoomaya Aqalka The Peace Palace ee Hague waxaana ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com