Wafdi ka Socda Beesha Caalamka oo maanta gaaray Magalada Kismaayo

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa gaaray Maanta Magaalada Kismaayo waxaana ahlkaas ay kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

Wafdiga Xubnaha Beesha Calamka ee maanta gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Waxaa Hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swon

Madaxweynaha Maamulka Jubland Axmed Madoobae ayaa qaabilay Xubnaha Wafdigaasi ka socday Beesha Caalamka waxaana ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kooban ka soo saaray safarka xubnaha beesha Caalamka maanta ay ku tageen Magaalada Kismaayo waxaana uu u qornaa sidaan”

Safarkan ujeedkiiau waa dadaallada ay beesha Caalamku kula kulmayaan saxiixayaasha heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka Soomaaliya, si ay si fiican ugu fahmaan walaaca mas’uuliyiinta Jubaland ee ku saabsan hannaanka horay u socod ee doorashada”

Kulankaan Magaalada Kismaayo ay xubnaha Beesha Caalamka kula yesheen Madaxweynaha Jubland Axmed madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulada Puntland iyo Jubland ay diideen ka qayb galka shirkii dhawan uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee Arimaha doorashooyinka looga hadlayay kaasi oo ka sovda Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com

.