Wade Mooto Bajaaj oo lagu dilay degmada Balcad Gobolka shabeelada Dhexe

Muqdisho: Askari katirsan Ciidamada dowladda  Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Manta meel u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj, isla markaana dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah darawalada mooto Bajaajta ku Shaqeysta ee degmada Balcad Risaala la hadlay Carafaag oo u dhaxeysa Muqdisho & Balcad, balse Askari ku sugnaa Koontoroolka Garasdeele uu dilay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xilliga la dilayay Darwalka Bajaajlaha ah ay Mootada u saarnaayeen laba askari kuwaas oo aan wax tallaabo ah qaadin markii la dilay darawalkii waday, waxana uu sheegay in Ciidamada Maamulka degmada Balcad ay ku raad joogaan askarigii dilka geystay

Dhawaan ayay ahayd markii Askari ka tirsan Ciidanka dawlada Fedeeraalka oo ka hawlgalayay Degmada balcd uu dilay ni darawal ahaa waxaana ugu dambeyntii Asakariga la horgeeyay maxkamada ciidamadaa qalabsidaa oo xukun dil aah ku riday