Wabiga shabeelle oo ku Fatahay degaanno ka Tirsan Shabeelada Dhexe

 

Wabiga Shabelle ayaa saacadahii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyey tuulooyin badan oo hoosyimaada degmada Mahadaay ee gobolkan shabeellaha dhexe.

Tuulooyinka uu wabiga fatahaada ka sameeyey waxaa ka mid ah Raqayle, Tuugaarey, maangaay iyo degaanka baaley oo ka tirsan Sabca Jazeera.

Fatahaadda wabiga Shabelle ayaa saameynta ugu badan ku reebtay tuulada Raqayle waxaana laga soo warinayaa tuuladaas inuu ka geystay qasaara isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Maamulka Hirshabeele ayaa sheegay in ay jiraan qasaaraha ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle waxaana maamulka Hirshabeele  uu sheegay inay jiraan qasaaro  kala duwan  .

Dadka ku nool gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ayaa dhibaatada ugu badan la kulma, wabiga ayaa mar noqda mid biyo la’aan ah marna waxa uu sameeyaa fatahaad taasi oo walaac joogta ah ku noqday bulshada, mana jirto qorsho iyo dadaal ay sameeyaan maamulka Hirshabelle oo sheedda ka eeganaya caqabdahan soo noqnoqday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com