Wabiga Shabeelle ee Mara Degmada Baladweyne oo Biyo Yareeyay.{warbixin}

Wabiga Shabeelle ee dhaxmara gobolka hiiraan waxaa nolol ahan ku tiirsan dadka Beeraleyda ah, Xoolaleyda u dhaw melaha uu maro wabiga iyo duur joogta.

Beeraha ugu badan ee Gobollada Hiiraan, ayaa tacabka beerahooda inta badan uu ku tiirsan yahay Biyaha Wabiga Shabeelle, ayagoo badanaa u isticmaalo Matooro lagu waraabiyo Beeraha, kuwaas oo kadibna laga soo saaro Khudaarta iyo dalagyo kala duwan ee dalka.

Tuulooyin aad u badan oo ku hareereysan wabiga Shabelle oo dadka ku nool noloshooda ku tiirsanayd biyaha wabiga ayaa dhawaanahan soo wajahday walwal iyo cabsi ay ka muujinayaan biyaha wabiga kadib markii uu wabiga aad u biyo yareeray.

Heerka biyo yaraanta Webiga ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay gaaray meel aad u hooseeyso, taasi oo sababtay in xitaa ceelal badan oo webiga u dhawaa aay aad u biyo yareyaan halka qaarkoodna aayba guraan.
ma jirto biyo dhaamin loo sameyay dadka kunool tuulooyinka hoostaga gobolka hiiraan ee biyo yaraanta ka jiro.

W/D:Bashiir cabdulahi cismaan
Baladweyne.soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com