sii haayaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaada xoogan oo Wabiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu ka geysto degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.
Siihaya xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Biyo horleh keenay Wabiga Shabeelle, isla markaana laag cabsi qabo in uu ka fataho degaano hoostaga Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.
Waxaa uu sheegay in roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhulka Buuraleyda ah ee Itoobiya ay keentay in Wabiga uu Biyo badan keeno,isla markaana taasi ay sababi karto fatahaado ka dhaca degaannada uu maro Wabiga Shabeelle, isla markaana sababi karto dhimasho & burbur hantiyaded.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com