Waare oo sheegay in la soo gaarsiisay lacago meelo kala duwan ka kala yimid

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid Dowladaha Somaliya iyo Jabuuti.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Axadii Magaalada Beledweyne u tagay, sidii ay u soo qiimayn lahaayen fatahaadaha ka dhashay Webiga Shabelle.

Sida ay dadka deeganka iyo Masuuliyiinta Gobolka Hiiraanba sheegeen Webiga Shabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku fatahay qaybo ka mida magaaladaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in lix boqol oo kun oo dollar ay ka soo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale qoraalka ayuu ku sheegay in shan boqol oo kun oo dollar ay soo gaarsiisa Dowladda Federaalka Somaliya, halka laba iyo afartan kun oo dollar ay iyana ka helayn Guddiga Gargaarka ee Heer Qaran.

Madaxweyne Waare waxaa uu qoraalka ku sheegay in lacagahaasi loogu talagalay ka hortagga fatahaadaha ku soo noq noqday Xarunta Gobolka Hiiraan. Lacagahan ayuu sheegay inay si toos ah u soo wada gaarsiisay Dowladda Somaliya.

“Waxaa 10/5/2020 naga soo gaaray Dowladda Federalka Somaliya: $600,000 oo Dowladda Jabuuti (Hiil Walaal) ka timid. $500,000 Dowladda Federalka Somaliya ah. $42,000 Guddiga Gargaarka ee Heer Qaran loogu talagalay fatahaadda.” Ayuu qoraalka ku sheegay Madaxweynuhu.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka soconaya dadaalo lagu doonayo in looga gaashaanto in fatahaadaha webiga uu saameeyo magaalada oo idil.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com