WaaMaxay sharuudaha Jubland ee ka qayb galkeeda shirka Doorashada ?

Maamulka Jubaland ayaa  shuruudo   cusub ku xiray ka qeybgalka shirka doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka baxay madaxtooyada Jubaland ayaa looga hadlay 5 sharuud oo Jubland ay hor dhigtay ka qayb galkeeda shirka Doorashada looga hadlayo

Qdobada sharuudaha ah ee ay Jubland shirka  doorashada Hordhigtay aya kala ah:

In Dowladda Federaalka raaligelin ka bixiso rabshadihii ka dhacay Muqdisho

– In la isugu yimaado shir ay ka soo qeybgalaan muraadka.

– In shirku ka dhaco goob amnigeeda mas’uul ka tahay Beesha Caalamka.

– In la helo cid damaanad-qaada fulinta natiijada shirka.

– Iyo in madaxweyne Farmaajo ka dhexbaxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com