Waa Sidee Xiriirka Axmed Madoobe iyo Madaxda Dawlada Federaalka ?

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka madaxsha badbaado qaran ayaa sheegay in wali uusan wax xiriir ah ka helin madaxda dowladda federaalka.

11 habeen ayay  ii tahay inta aan magaalada Muqdisho joogo, ma joogtaa iyo ma timid, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyo ayaa shiraya leh, xitaa su’aal la isma weydiinin. Inaan joogo iyo inaan… anaa isu jooga anaa isu imid,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ilaa hadda laguma guuleysanin in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan hannaanka doorashada, iyadoo wali uu khilaaf ka taagan yahay qodobbada qaarkood.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com