Waa Sidee Xaalada Magalada Muqdisho ka dib rasaas xooggan oo xalay saqdii dhexe laga maqlay ?

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa degan  ka dib markii xalay saqdii dhexe rasaas aan kala joogsi lahayn lag maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Abaare 1:00  ee saqdii dhexe ee xalay ayaa rasaas aan kala joogsi lahayn laga maqlay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid , Hodan  iyo Xaafado kale  ku yaala muqdisho.

Rasaasta ayaan ilaa hadda aan la Ogeyn balse Dadka shacabka ah ayaa xalay waxaa ay maqlayeen Rasaas xooggan oo ka dhacaysa qoryaha baabuurta lagu xiro mana jiraan ilaa hadda wax khasaare oo laga soo sheegaya xaafadaha rasaasta laga riday

Dad badan oo ku nool magaalada muqdisho ayaa u maleeyay rasaasta  ay ridaayeen ciidamo taabacsan midowga Musharixiinta  oo la soo baxay baabuurtooda dagaalka iyo qoryaha Fudud balseDawlada Federaalka iyo Golaha  midowga musharixiinta ayaanan  ka hadlin  rasaastii xalay laga riday degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com