Waa sidee Xaalada Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool?

Warar ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in duleedka waqooyi ee Magaalada laascnood  Weli ay ka taagan tahay Xiisaad dagaal oo u dhexeysa Ciidamadda Soomaaliland iyo kuwa degaanka .

Sidoo kale , Wararka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay labada dhinac ay soo kala gaareen Ciidanka gurmad ah iyo gaadiid dagaal taas oo la sheegaay in ay keeni karto dagaal mar kale ka dhaca Magaalada Laascaanood .

Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda gobolada SSC ayaa ugu baaqay ciidaamadda Soomaaliland iyo kuwa degaanka dagaalka ay joojiyaan in ta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado oo dadka shacabka ah  Fursad loo siiyo in ay nabad ku cibaadeystaan,  mana jirto cid u hogaansantay baaqa nabadeed ee ka soo baxay  waxgaradka gobolaada SSC kasoo  jeeda  .

Hase’ahaatee , ku dhawaad 2 bilood ayaa laga jooga markii aay bilaabatay colaada ka jirta Magaalada Laascaanood mana jirto xal lagaa gaaray .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com