Xaalada Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in sakay ay degan tahay ka dib markii shalay Degmadaasi Dagaal Culus uu ku dhex maray Ciidanka Maamulka Jubland iyo kuwa Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Dagaalkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo ka kala gaaray dhinacyadii shalay Halkaasi ku dagaalamay waxaana labada dhinac ay kala sheegten guul .
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku qabatay ku dhawaad boqol macxaabiis ah oo sawiradooda ay sooo bandhigtay balse Madaxweyne ku xigeenka koowaad maamulka Jubland Maxamuud Sayid Aadan ayaa beniyay warkaasi ka soo baxay Dawlada sheegayana haba yaraatee in aysan jirin maxaabiis dagaal oo laga qabtay maamulka Jubland.
Hase ahaatee dagalkii shalay ka dhacay degmada Balad Xaawo ayaa waxaa ku geeriyooday 14 Caruur ah oo isku qoys ah ka dib markii madgac uu ku soo dhacay guri ay ka degaayeen degmada Balad Xaawo.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com