Waa Maxay Walaaca Kenya ay ka qabto Dhageysiga Kiiska Dacwada Badda Soomaaliya?

Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay halis amni oo ka imaan karta dhageysiga kiiska Badda ee Maxakamadda ICJ ay billaabweyso 15-ka bishan March, maadaama laga dhigayo qaab muuqaal ah.

Dhageysiga kiiska – oo dhowr jeer dib loo dhigay – ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo adeegga ZOOM-ka ee sida maqalka iyo muuqaalka ah loogu xiriiro.

Hase yeeshee Kenya ayaa cabasho ka muujisay arrimo ay ka mid yihiin sida loo sugi karo amniga xogta iyo markhaatiyaasha, iyadoo ay dhici karto in burcadda internet-ka ay carqaladeeyaan dhageysiga kiiska, sida uu qoray wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku gacan seyrtay codsi ay Kenya maxkamadda u gudbisay oo ahaa in mar kale dib loo dhigo kiiska, waxaana markii dambe arrintaas diiday garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Arrimaha ay Kenya ka cabsi qabto waxaa ka mid ah sida loo sugi karo amniga aqoonsiga shakhsiyeed ee markhaatiyaal la sheegay in ay yihiin dad Soomaali ah oo la safan dhinaca Kenya.

Sidoo kale waxa ay xukuumadda Nairobi ka cabatay in loo oggolaaday afar qof oo wakiil uga noqda dageysiga kiiska, sidaasna ay ku weyn karto markhaatiyaal uga qeyb gali lahaa dacwadda.

Cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa sababay in kiisaska maxkamadda ICJ qaarkood ay khasab oqoto in lagu dhageysto adeegga ZOOM-ka.

22-kii bishii April ee sanadkii 2020-kii ayey maxkamadda ICJ yeelatay kulankii ugu horreeyay abid ee Maqal iyo Muuqaal ah, kaasoo ay xitaa qeyb ka ahaayeen madaxweynaha maxkamadda iyo diiwaangaliyaha.

War ay soo saartay maxkamaddu ayey ku sheegtay in si buuxda loogu diyaar garoobay fulinta dhageysiga loo adeegsanayo ZOOM-ka, kaas oo dhowr jeer la fuliyay tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah.

Sida uu dhigayo Xeerka Xuquuqda Aadanaha Caalamiga ah ee ay ICJ ku dhaqanto, qof walba oo dacwad dambi ku wajahaya maxkamaddan wuxuu xaq u leeyahay in uu goob joog ka noqdo hoolka maxkamadda.

Kiisaska khuseeya dalalka ayaa loo oggol yahay in marka ay xaaladaha noocan ah jiraan loo dhageysto qaab maqal iyo Muuqaal ah, ama in qoladii rabta ay maxkamadda ku xaadirto.

Hase yeeshee Kenya ayaa horay uga cudur daaratay in ay maxkamadda tagro, iyadoo sheegtay in saameynta Covid-19 aysan saamaxeynin tallaabo noocaas ah.

Tan iyo markii uu fiday fayraska corona, waxaa yaraaday howliii maxkamadaha ee tooska ahaa iyo kiisaskii dhageysigooda shacabku ka qeyb gali jireen.

ICJ waxay qeyb ka noqotay maxkamadahaas, hase yeeshee ugu dambeyn waxaa la hirgaliyay in kiisaska qaar lasii wado iyadoo loo adeegsanayo qaab Maqal iyo Muuqaal ah, halka kuwo kalena si toos ah loo fuliyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com