markii xilka laga qaaday taliyihii booliska gobolka Benaadir Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon oo isku dayay in hakiyo kulankii ay Golaha Shacabka muddo kordhinta ku ansixiyeen, ayaa waxaa soo baxday in Saadaq Joon iyo meleshiyaad u daacad ah ay ku sugan yihiin Shirkoole ee magaalada Muqdisho. Waxaa jirta cabsi laga qaba inuu dagaal dhexmara meleshiyaadkaasi iyo ciidammada dowladda. Dad badan ayaa is weydiinya aaga Shiirkoole ee uu Saadaq Joon ku sugan yahay
Xaafadda Shirkole ofishale oo ku fadhida dhul ballaaran waxaa ay ka tirsantahay degmada Hodan ee gobalka Banaadir, waxaana ay kaabiga ku haysaa laamiga Warshadaha iyo kan Albarako halka ay isaga dhacaan.
Shiirkole meesha ay ku taallo waa aag ay ku badnaan jireen xaruumaha iyo xafiisyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxaa sidoo kale degnaa wasaaradda gaashaandhiga oo ciidamadu hoos tagaan taas oo sii xoojinaysa in aaggaasi uu ahaa meel ciidamada iyo saraakiisha u gaar ah.
Sidoo kale Saraakiishii aaggaa degganaa ama imaan jiray waxaa laga qaadi jiray xoogaa yar oo lacag ah oo ujeedkeedu ahaa inuu xubin ka noqdo ciidamada halkaa imaan jiray ee wakhtiga ku qaata. Saraakiil xigeennada ayaa sidoo kale halkaa ku lahaa guryo ka koobnaa saddex saddex qol oo iyaga loo dhisay. Xaafadda Shiikole hadda waxaa ku dhow xarunta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee degmada Deyniile.
Markii ay burburtay dowladdii milatariga 1991-dii maadaama dalka dagaallo ka dhaceen waxaa Shiirkole ku soo barakacay dad ay saameyen dagaalladii dalka ka dhacayay kuwaas oo qaarkood hooy ka dhigtay xaruumihii ciidamada.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta dagan ka dib markii xalay halkaasi laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.
Waxaa laba habeen ka hor xirnaa waddooyiinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Waddooyiinka qaar ayaa waxaa lagu arkayay ciidamo fara badan oo ah kuwa dowladda.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheeegayay inuu dhaq-dhaqaaqan ciidan uu yimid ka dib markii ciidamo uu watay taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay gaareen Shiirkole.
Baraha bulshadu oo aad loogu hadal hayay xaaladda magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale hadal haynta waxaa qayb ka ahaa xaafadda Shiirkole.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com