Waa Maxay Iskaashiga Siyaasadeed ee ka Dhexeya Deni iyo Axmed Madoobe?

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubland ayaa si wadajir ah u sheegay in iyagoo kaashanaya golaha musharraxiinta iyo Golaha siyaasadda ee Somaliland mataka ay ka qeyb qaadan doonaan sidii Soomaaliya ay u gali lahayd doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni, ayaa sheegay in uu dadaal ku bixin doono sidii uu uga hortagi lahaa  wax walba oo horseedi kara “dib u noqosho.

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in dalkoodu uu maanta hiil uga baahan yahay, in la ilaaliyo howshii lasoo qabtay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 ee dowlad dhiska Soomaaliya loo soo amaamudayay oo maanta meel laga sii amba qaadi karo joogta. Madashan waa mid u furan cid kasta oo ay u muuqato waxa annaga noo muuqday ee ah oo rabta inay ku darsato sidii dalka looga badbaadin lahaa in uu dib u noqdo,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa intii uu ka hadlayay munaasabaddii maanta waxa uu eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya.

“Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay geeddigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa, in markii xilligeeda lasoo gaaray ay u dhiibto qofkii ku xigay. Waxay u baddashay in aysan jirin cid ka horreysay iyo cid ka dambeysay midna,” ayuu yiri Deni.

Eedeyntan ayaa qeyb ka ah hadallada ay xubnaha mucaaradka iyo dowlad madaxda dowlad goboleedyada ee kasoo hor jeeda xukuumadda federaalka si joogto ah soo celceliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaase dhankeeda ku adkeysaneysa in ay ku guda jirto hanaanka doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com