Villa Soomaaliya oo ka digtay in la keeno shuruudo fashilin kara Shirka Afisiyooni.

Iyada oo lagu wado in Maanta uu dib u bilaawdo shirkii Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magalada Muqdisho uga socday Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa War cusub kasoo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in wada-hadallada ay Maanta dib uga bilaabanayaan Teendhada Afisiyooni.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu burburay wada-hadallada ka socday Afisiyooni, hayeeshee uu sheegay in aan waxba ka jirin, isla markaana ay sii socon doonaan wada-hadallada.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa dalbaday si uusan khilaaf u dhicin in shuruud lagu xirin heshiiskii 17-kii September.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com