Ururka Xamaas oo Rajo ka Muujiyay joojinta dagaalada ka socda Gaza

Sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa sheegay inuu rajeynayo in Israa’iil iyo xooggaga Gaza ay gaaraan xabbad-joojin “maalin ama labo maalin gudahood” xilli werarrada ay weli sii socdaan.

Balse ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Arbacadii sheegay “inay ka go’an tahay in weerarku sii socdo” ilaa “xasiloonida iyo ammaanka dib loogu soo celiyo muwaaddiniinta Israa’iil”.

In ka badan 100 duqeymaha cirka ah ayay saakay aroortii diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dhismooyin ku yaalla Gaza.

Xooggaga Falastiiniyiinta ayaa ku jawaabay gantaallo ay ku rideen gudaha Israa’iil.

Dagaalka Gaza ayaa bilowday kaddib toddobaadyo ay sii xoogeysatay xiisadda

 

Israa’iil iyo Falastiiniyiinta u dhaxaysa ee ka taagan Bariga Qudus, taas oo sababtay heer ay labada dhinac ku dagaallamaan goob ay Muslimiinta iyo Yuhuudduba u aqoonsan yihiin inay barakeysan tahay. Xamaas, oo maamusha Gaza, ayaa bilowday inay ganto gantaallo kaddib markii ay Israa’iil uga digtay inay aaggaas isaga baxaan, taas oo horseedday duqeymo dhanka cirka ah oo aargoosi ah.

Ugu yaraan 227 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 haween iyo carruur ah, ayaa ilaa iyo hadda lagu dilay Gaza, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka halkaas.

Israa’iil ayaa sheegtay in ugu yaraan 150 dagaal-yahanno ah ay ku jiraan kuwa lagu dilay Gaza. Xamaas ma aysan bixin xog ku saabsan tirada askarta uga dhimatay dagaalka.

Gudaha Israa’iil ilaa 12 qof, oo ay ku jiraan labo carruur ah, ayaa lagu dilay, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka. Israa’iil ayaa sheegtay in ilaa 4,000 oo gantaallo ah ay xooggaga ku sugan Gaza ku tuureen gudaha dalkaas.

Xafiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub,com