Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa maanta tababar ku saabsan habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha u furay 25 suxufi oo ka hawlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Tababarka oo socon doona saddex maalmood waxaa taageerayay Hay’adda National Endowment for Democracy. Waa qeybtii labaad oo ka mid ah tababarro xiriir ah oo SJS ay siineyso warfidiyeenka Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada dalka iyo caasimadda somaaliya ee muqdisho.
waxanaa ka qeyb galay gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka hiiraan sh.xusen cismaan cali.
Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ka hadlay furitaanka tababarka xuquuqda aadanaha ee Somali Journalists Syndicate – SJS ay ka furtay Beledweyne, ayaa sheegay in baahi badan loo qabay in saxaafaddu ay xoogga saarto wararka xuquuqda aadanaha.
Sheekh Xuseen wuxuu sheegay in tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ay ka jiraan meel kasta, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay takoorka shaqada, dhanka adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee lagu … Arag wax badan
Xiriiriyaha Barnaamijyada SJS Ahmed Mohamed Aadan ka hadlay dhankiisa ayaa shegay Maxay muhiim ugu tahay suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo xarumaha warbaahinta inay diiradda saaraan tebinta wararka xuquuqda aadanaha? waxaana uu shegay in ay dadaal badan sameyn doonaan si wariyasha soomaaliyeed ay u helilahahayeen tababaro badan.
Xiriiriyaha Somali Journalists Syndicate – SJS ee Hirshabeelle Bashiir Abdullahi Osmaan oo ka hadlay furitaanka tababarka xuquuqda aadanaha ayaa sheegay ayaa sheegay in SJS muddo dheer ay dadaal ugu jirtay diyaarinta iyo hirgelinta tababarro nuxur leh oo la gaarsiiyo suxufiyiinta ku sugan gobollada dalka.
Wuxuu ka codsaday ka qeybgalayaasha inay aqoonta ay bartaan u sii gudbiyaan suxufiyiinta kale ee saaxiibadood si cilmiga u gaaro dad badan.
Waa maxay kaalinta Somali Journalists Syndicate – SJS ee horumarinta xuquuqda aadanaha? Sidee baan cod ugu noqon karnaa bulshadeenna? Sidee loo difaaci karaa kuwa nugul ee bulshadeena.
ugu danbeyn La taliyaha sharciga ee Somali Journalists Syndicate – SJS Avv. Abdirahman Hassan Omar iyo Madaxa Maamulka SJS Abdullahi Ali Abdulle ayaa nuqul ka mid ah buugga SJS ee tababarka xuquuqda aadanaha iyo nuqul ka mid ah isbarbardhigga Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada dalka waxay guddoonsiiyeen Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali.
Guddoomiyaha ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii qeybgalay furitaanka tababarka habka tebinta xuquuqda aadanaha ee ka furmay magaalada.