Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha Ururka SJS oo u waramay Warbaahinta Aragti Cusub ayaa sinkulul Uga Hadlay Hadalo ka Soo yeeray Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in Saxafiyiinta Qaar ay la shaqeeyan Alshabaab iyo in ay la shaqeeyaan Dawlado Shisheeye aan aan dooneyn Qaranimada Soomaaliya
Cabdalla Muumin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay Hogaamiyaha Dalka Hadalkiisana uu Meel Weyn Taabanayo Waxaana uu sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in Raali geli gelin uu ka bixiyo Hadaladaasi Haddii uusan Cadeyn u heyn Saxafiyiinta qaar ee uu ku tilmaamay in Alshabaab ay la shaqeeyaan
Dhinaca kale Xoghayaha SJS Cabdalla Muumin aya ka hadlay sharcigii dhawaan uu Saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ee Saxaafada Waxaa uu sheegay in sharcigaasi ay ku jiraan Qodobo ka hor imanaya Saxaafada Xorta ah illaa laga badalana aan la dhaqan gelin karin