Ururka Iskaashiga Islaamka oo Cambaareeyay Qaraxii dhawaan Muqdisho ka dhacay

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa cambareeyay Qaraxii Ismiidaaminta aha ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa aya ka dhacay Nawaaxyiga wadada Sayidka Halkas oo ay ku taalo bar koonatrool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya Bayaan ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu cambareeyay Qaraxasi.

Bayaankan ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun falalka kooxaha argagixisadu geysanayaan, iyadoo lagu jiro diyaar-gawroowga doorashooyinka guud ee Soomaaliya.

Ururka ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay weeraradii ugu danbeeyay, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ururka Iskaashiga Islaamku garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha argagixisada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com