Ururada Bulshada Rayidka ah oo Walaac ka muujiyay Rabshadihi ka dhacay Muqdisho

Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay xasillooni darrada ka jirta Muqdisho.

“Waxaan nasiib daro wayn u aragnaa xasilooni darida ka jirta magaalada Muqdisho taas oo ka dhalatay mudaahadaradyada nabadda ah ee ay qaban qaabinayeen musharaxiinta madaxweynayaasha. Mudaaharadyada waxay ka mid yihiin xaquuqda dastuuriga ah, bulshada rayidka waxay ka soo horjeedaa wax walba oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xaquuqda muwaadinka”, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay ururada bulshada rayidka ah.

Waxay ugu baaqeen dowladda iyo musharaxiinta madaxweynayaasha inay ilaa liyaan sharuucda dalka iyo degenaanshaha, wixii kala duwanaansho aragti siyaasadeed ahna ay ku xalliyaan wadahadal iyo is afgarad.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com