Wadanka Uk ayaa noqday dalka ugu dhimashada badan xanuunka Covid-19 guud ahaan Qaarada Yurub waxaana dhimashadu ay dhaaftay 50,000.
Qoraal ka soo baxay waaxda caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS ayaa lagu sheegay in 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 595 dhimasho ah.
Sidoo kale waxaa cudurka laga helay dad ka badan 22,000 oo qof .
Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay in dhimasho kasta ay musiibo tahay dowladuna qaadi doonto talaabo kasta oo cudurka lagu xakameynayo.
Dowladda UK waxay hadda ku jirtaa bil xayiraad ah oo dhamaan doonta 2 December kadib markii bilowga bishaan November uu xanuunka sare u kacay..
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com