Uk oo ku baaqday in si de deg ah lagu qabto doorashooyinka Soomaaliya

Dowladda UK ayaa ku baaqday in sida ugu dhakhsaha badan Soomaaliya looga qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, si loo xaqiijiyo ammaanka, xasilloonida dalka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeele oo ay ku diideen Muddo kororsiga hay’adaha dowladda.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada in ay deg deg u wada-hadlaan iyadoo oo aan shuruudo lagu xirin. Waa inay yimaadaan ayaga oo diyaar u ah inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah, kuna wada xaajoodaan niyad wanaag,” ayaa lagu yiri Qoraalka

UK ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ka tagaan waxaana ay ku baaqday in si deg deg ah doorashada lagu qabto

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com