UK oo dib ugu soo celinaysa Soomaaliya Yacquub Axmed oo kufsi kulakacay gabar u dhalatay dalkaasi.

Wasiirka Arimaah Gudaha Dalka Ingiriiska oo la kulantay Gabar Yacquub Axmed ku eedeysay inuu kufsi wadareed rag u geystay uu ku jiray ayaa balanqaaday in Soomaaliya lagu celin doono.

Wasiirka waxaa ay gabadha u balanqaaday ineey xooga saareyso sidii magaalada Muqdisho ay ugu celin laheyd Yacquub Axmed.

Yacquub Axmed oo ah Soomaali 32 jir ah,  ayaa isaga iyo 2 wiil oo kale waxaa 2008-dii lagu eedeeyay ineey kufsadeen gabar u dhalatay dalkaasi.

Yacquub ayaa sidoo kale lagu tuhmaya inuu Gangiska dalkaasi ka tirsan yahay oo dowlada Ingiriiska ay qorsheyneyso in ay ku celiso magalada Muqdisho.

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa aad uga soo horjeedo in magaalada lagu soo celiyo dhalinyarada dhaqan celiso ah kuwaasi oo dhibaatooyin badan ka geystay magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin Kufsi iyo dil iyagoo sidoo kale dhaqanka ka lumiya gabdhaha yaryarka ah ee magaalada Muqdisho.

Degmada Kaaraan sanadkii 2019 waxaa gabar uu qabay ku dilay wiil dhalinyaro ah oo laga soo celiyay dalka Mareynkanka.

Magaalada Muqdisho ayaa laga jecleyn dhalinyarada laga soo celiyo dalalka Yurub kuwaasi oo dhibaatooyin mararka qaar loogu geysto magaalada

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com