UK iyo Midowga Yurub oo cambaareeyay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

Danjiraha UK iyo Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaaladii shalay illaa xalay ka dhacayay Magaalada

Qoraal kooban oo ay so dhigeen Twiterka ayay ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen in lala xisaabtamayo cid kasta ee lagu helo in ay ka dambeysay dagaalka

qoraal ka soo baxay xafiiska Danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa walaac looga muujiyey dagaallada ka soo cusboonaaday  Muqdisho.

Rabshadaha  Muqdisho, aad ayaa ay walaac u leeyihiin. Waxaan ku baaqeynaa deganaan iyo xasilooni .

Wada-hadallo ayay ku jirtaa danta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaDanjiraha  UK Kate Foster.

Dhinaca kale qoraal uu soo saaray Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa lagu yiri “

Aad ayaan uga xunnahay ugana walaacsan nahay Rabshadaha ka socda Muqdisho. Danta guud waxay ku jirtaa is-xakameynta ugu sarreysa, ilaalina ha’ayadaha la wada leeyahay iyo wada-hadallo. Rabshadaha ma ahan wax la aqbali karo. Kuwa ka mas’uulka ah waa lala xisaabtami doonaa,” nayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Danjira midowga Yurub ee Soomaaliya .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com