Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Xalay ku geeriyooday Muqdisho

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Odayaasha  dhaqanka ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Ugaas Xasan  ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay dad badani ay ugu geeriyoodeen Soomaaliya.

Geerida Ugaas waxaa ka tacsiyeeyay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ahaa Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle.

Dad badan oo oo bulshada ay aad u wada garaneyso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho Ugu geeriyooday Cudurka Covid19 kuwaas oo kui xanuun sanaa isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com