UDI:Norwey diyaar uma aha qaadashada Qaxooti cusub.

Oslo, Hay,adda laanta socdaalka Norwey Utlendingsdirektoratet(UDI)ayaa shaaca ka qaaday in aysan diyaar u aheyd qaadashada Qaxooti cusub.

Madaxa Hay,adda UDI Frode Forfang oo la hadlay warbaahinta gudaha Norwey ayaa xusay in adkaan doonto qaadashada Qaxooti cusub kadib markii Turkiga Xuduudihiisa u furay qaxootiga si ay u gaaraan Wadamada Yurub.

’’ Diyaar uma aha Norwey in ay qaadato Qaxooti cusub”ayuu yiri Madaxa ahay,adda UDI.

Hadalka ka soo baxay UDI ayaa imaanaya xili Xisbiga FRP ugu baaqay Xukuumada in uu adkeeyo xuduudaha si aysan u soo galin qaxooti cusub.

Wadamada yurub ayaa haatan aad uga cabsi qaba saameynta ay ku yeelan doonto qaxootigan cusub oo Turkiga xuduudaha u furay.

https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/pLkLbw/udi-norge-er-ikke-klar-for-ny-asylsoekerboelge

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com