Turkiga oo War kasoo saaray qarixii Muqdisho weeraradii Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si kulul waxaa ay uga hadashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalau ka dhacay degmada Shangaani iyo weerarkii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin askarta ku dhimataya weerarkii Shabeellaha Hoose iyo dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay qarixii xalay.

“Waxaan kaxunnahay in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya, weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa cambaareeysay weeraradii ka dhacay Shabeellaha Hoose, iyaga oo sheegay inay ugu tacsiyadeyneynayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadkii weeraradaas ku dhintay caadmaad deg deg ahna u rajeeyay kuwa dhaawacmay.
Ugu dambeyn dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan go’aanka ay ku garab istaagayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jira Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ee lagu weeraray saldhgyada ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa badankood tababar Ciidan iyo hb siiyay dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com