Wasaarada Gaashaandhigga Dowlada Turkiga ayaa boggeeda Twitterka waxaa la soo dhigay in Ujeedada Saldhiga military ee turkiga gacanta uu ku haayay lagu wareejiyay dowlada Federaalka ay tahay dib u habeynta ciidamada Soomaaliya iyo Tababarkooda .
“Qayb ka mid ah Saldhiga –dib u habeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee ah,– Xaruuntii 1-aad ee uu Turkigu ka dhisay Muqdisho waxaa lagu wareejiyay Madaxda Dawlada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee la soo dhigay boggaTwitter-ka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Turkiga.
Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawlada Turkiga ayaa waxaa ka dhexeya Xiriir Weyn kas oo soo bilwday Markii madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Tayib Urdogan uu Soomaaliya Yimid Sanadkii 2011ka xiligaas oo Abaaro ay ka jiren Dalka Islamarkaana Turkiga uu Mucaawino keenay dalka iyadoo Turkiga Sidoo kale ay ka qayb qaateen Dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliya gaar,ahaan qaybtooda gor gor
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com