Turkiga oo raba in uu xaliyo Murunka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka Arimaha dibadda ee Dalka Turkiga Mevlüt Çavusoglu ayaa socdaal ku soo gari doona Magaaladatan Muqdisho iyo Magaalada Nairobi, bisha soo socota ee March, Waxaana uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo  Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa doonaaya in Wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay xal ka gaaraan dacwadda badda ee Dalkeena Soomaaliya oo Kenya qayb ka mid ah

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa Todobaad ka hor  diiday codsi ay Kenya markii 4-aad ku dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda Badda , waxayna Maxkamadu ay go’aamisay in 15-ka bisha soo socota ee Maarso la bilaabo dhageysiga kiiska Dacwada badda Soomaaliya oo Kenya ay sheeganeyso.

Dawlada Federaalka ayaa dhawaan ku Eedeysay Dawlada Kenya in ay dooneyso in dib loo dhigo dacwada oo warqad ay u dirtay maxkamada ICJ ugu dambeyntiina go,aanka Dawlada Soomaaliya ay dhaqan gelisay Maxkamada taas oo ah in an dacwada badda dib loo dhigin

Dawlada Kenya oo iyadau codsatay in dib loo dhigo dacwada ayaa sabab uga dhigtay cudurka Carnavirus waxaana ay bedashay dhammaan qareenadii dacwada badda ku matalayay

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com