Turkiga oo ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay Afgooye.

Dowlada Turkiga ayaa ka hadashay qaraxii maanta qaar ka mid ah muwaadiniinteeda lagula eegtay Degmada Afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose.
Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Millî Savunma Bakanlığı oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in aad uga xunyihiin Qaraxa lala eegtay shaqaale wadankooda u dhashay oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

“Waxaan dhaleeceynaynaa weerarkii argagixiso ee lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan kaasoo lagu dhaawacay 11 qof oo rayid ah iyo afar muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga” ayuu yiri Millî Savunma Bakanlığı.

Wasiirka ayaa balan qaaday in aysan istaagi doonin garab istaaga Ummada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com