Dawlada Turkiga ayaa Cambaareysay Werarkii Alshabaab ay ku qaadeen Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho
War qoraal ah oo ka soo baxay Dawlada Turkiga ayaa lagu cambaareeyay Weerarkaasi Waxaana Dawlada Turkiga ay sheegtay in ay garab taagan tahay Dawlada Soomaaliya iyo shacablkeeda
Qoraalka ayaa u Qornaa sidan”
Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka Dawlada dalka Turkiga .
Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto Taageerada ay siineyso Ciidamada Qaranka Somaaliyeed iyo Dawladoodaba ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Dawlada Turkiga.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com